October 19th Bulshadda \ Food and Drink Wiil 17jir ah oo ka yaabiyey dowladda Jarmalka ayaa haatan xukuumada Jarmalka waxaya rumeysan tahay in uu wiilkaasi uu been sheegayo isagoo wiilku sheegtay in keynta uu ku noolaa muddo sanooyin ah.
Booliska ayaa waxa ay ku tuhun qabaan in sheekada wiilkan ay tahay mid qayaali kadib markii baaritaan lagu sameeyey dharkiisa lagu ogaaday in ay yihiin dhar cusub oo aan muddo badan la isticmaalin.
Wiilkan oo luqadda Englishka ku hadlaya ayaa diidey in laga qaado sawiro si loogu helo qoyskiisa waxaana lagu arkay wiilkan bishii hore magaalada Berlin.
Wiilkan ayaa sheegay in muddo shan sano ah uu kula noolaa meel keyn ah aabihii kadib markii ay shil baabuur ku geeriyootay hooyadii oo la oran jirey Doreen.
Wiilkan ayaa waxaa uu sheegay in aabihii uu dhintey bishii August uuna ku aasay meel keyn ah oo geedo badan leh kadibna muddo labo toddobaad ah u soo lugeeyey magaalada Berlin.
Hase yeeshee Booliska iyo shaqaalaha rayidka ah ayaa bilaabay in uu tuhun uu ka galo wiilkan waxa uu sheegayana ay yihiin dhammaan been la dhoodhoobay.
Wiilkan ayaa waxaa laga fahamsan yahay oo kaliya magaciisa iyo waqtiga uu dhashay isagoo sheegay in uusan xusuusan inta kale noloshiisa.
Balse dhaqaatiirta ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkan maskaxdiisa ay taam tahay uuna qabin wax maskax xanuun ah.
Ray ayaa waxaa sidoo kale uu diiday in laga qaado dheecanka DNAda si loogu raadiyo halka uu ka soo jeedo.
Qoys ka soo jeeda dalka Swisska ayaa sheegtay in wiil ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin uu ka maqan yahay lagana yaabo wiilkan inuu yahay.
Wiilkan ayaa waxa uu u sheegay booliska inuusan waxba ka dooneyn in la ogaado dhalashadiisa iyo meesha uu ka yimid balse uu doonayo oo kaliya in nolol cusub uu bilaabo maadaama sida uu sheegayo aabihii iyo hooyadii ay dhinteen.
Wiilkan ayaa hadda waxaa haya oo xanaaneeya shaqaale dhinaca bulshada u qaabilsan, waxaana haddii la helo in uu ka yimid dalka Switzerland loo dhoofinayo dalkaasi.
Lama soo helin qabriga aabihiis kadib markii baaritaan lagu sameeyey buuraha Harz Mountains.
Booliska marka ay baareen kombutarada Jarmalka ayaa waxaa laga waayay magaca Doreen oo ku dhimatay shil baabuur 16gobol uu ka kooban yahay dalkaasi tobankii sano ee la soo dhaafay.
Rayo ayaan laga helin wax tilmaam ah gaar ahaan keynta uu sheegay in uu ku noolaa tobankii sano ee la soo dhaafay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka ayaa aaminsan in wiilkan uu ka soo jeeda dalka Ingiriiska maadaama luqada uu ku hadlayo ay tahay English.
Interpol ayaa waxa lagu wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan dadka la la’ yahay ee wadamada Yurub.
Balse Ray ayaa u sheegay booliska :Aniga kali ayaan ahay,waxaan doonayaa in aan sidaa isaga socdo oo aan nolol cusub samaysto.’
Muuqaalka kaliya ee dowladda Jarmalka fasaxday sharicga gaarka ee dalka Jarmalka ayaa ah muuqaalka wiilkan oo uu sawiray artist.





