Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Life Life and Style News Food & Drink Haweeney Dhalinyaro Ah Oo Muuqaalkeedu U Ekaaday 50jir Kadib Markii Ay Dawooyin Qaadatay

Haweeney Dhalinyaro Ah Oo Muuqaalkeedu U Ekaaday 50jir Kadib Markii Ay Dawooyin Qaadatay

Nguyen-Thi-Phuong-2

October 16th Bulshadda \ Food and Drink Gabar 26 sano jir ah oo u dhalatey wadanka Vietnam ayaa muuqaalkeeda oo si deg deg ah isku badaley waxaa xiligan wixii ka dambeeya loo aqoonsadaa Islaan waayeel ah maadama ay u eg tahay ama ay noqotey qof 80 sano jir ka weyn

Dhaqaatiirta ayaa ku wareertay inay ogaadaan sababta keentay haweeneydan in maqaarkeedu sidaa isugu bedelo maalmo gudahood.

Nguyen Thi Phuong oo 26 jir ah ayaa waxa ay aaminsan tahay sababta ku keentay is bedelka degdegga ah oo ka dhigey habar waayeel ah inay tahay in ay allerjik ku tahay oo uu diidayo jirkeeda waxyaalaha badda lagala soo baxo ee la cuno.

Iyadoo ka hadlayso muuqaalkeedii muddo hadda laga joogo shan sano oo iyadu ay ahayd 21jir markaasi la guursaday ayaa waxa ay tiri : “Shan sano kahor,aad ayaan u qurux badnaa umana fool xumeyn sida hadda aan ahay?”

 

Haweeneydan ayaa rumeysan in ay labo sano kadib markii la guursaday sanadkii 2008dii in ay wax ay jirka marsatay oo ay ka soo iibsatay farmasiye uu ku keenay dhibaatadan oo dhan iyada iyo seygeedana awood uma lahayn in ay isbitaal iyo baaritaan ay raadsadaan.

“Korka oo dhan ayaa i cuncunayay,waana aan xoqayay xitaa marka aan hurdo,”ayay tiri Nguyen. “kadib hal bil oo aan dawooyinka qaatay kor cuncunka waan ka reystey laakiinse nabaro ayuu iigaga tagay.

“Hase yeeshee waxaan isticmaalay dawooyin dhaqanka nabaradii way iga baaba’een laakiin maqaarka ayaa bilaabay in uu laalaabmo.ayay tiri haweeneydan ka walwalsan muuqaalkeeda. Haweeneydan iyo seygeeda ayaan xasuusan farmasiyaha ay ka soo iibsadeen dawada ay markii ugu horeysey isticmaashay iyo nooca ay ahaydba.

Nguyen oo wajiga qarsata marka ay meel ka baxsan gurigeeda aadayso ayaa waxaa sheegtay in xanuunka uusan ka saameyn timaha,ilkaha,indhaha ayna hesho caadada bisha u timaada haweenka.
Seyga haweeneydan ayaa weli jecel xaaskiisa inkastoo muuqaalkeedu uu eg yahay habar gabowday. Waxana uu yiri isagoo ka hadlaya isbedelka ku yimid xaaskiisa.

“Waxaan guursaday Phuong markii ay qurxanayd,waxana aan la socday isbedelada uu kukeenay cudurka ku dhacay marnaba iskama aysan bedelin niyadda aan u hayo xaaskeyga.

Dhibaatada ugu daran ee qoyskan haysta ayaa ah dhaqaalahooda aad u yar oo aysan awoodin inay helaan baaritaan wanaagsan.

Hase yeeshee bilowgii bishan ayaa taqaatiir ka socota isbitaalka ku yaal magaalada ay degen yihiin ayaa sheegay in baaritaano lacag la’aan ah ay ku samaynayaan haweeneydan haddii ay wax ka qaban waayaana ay u gudbinayaan isbitaalada kale ee awooda u leh in ay daweeyaan.

Balse taqaatiirta ayaa ku kala aragti gedisan sababaha keenay haweeneydan inay muuqaalkeedu sidan noqdo.

 

Doctor Hoang Van Minh oo ka tirsan Ho Chi Minh City Medicine and Pharmacy University Hospital, ayaa aaminsan in Mrs Nguyen in cudurkan uu ka yimid wax loo yaqaan mastocytosis, kaasoo cadeyn u ah in wajigeedu uu bararsanyahay waxana uu dhaqtarka uu sheegay in rajo laga qabo in haweeneydan daawo loo helo. Balse marka ugu horeysa ay tahay in laga daweeyo allerjikada.

Dr Hoang ayaa waxaa uu intaa ku daray in qorshaha haweeneydan lagu daweynayo in laga yaabo in baoqolkiiba toddobaatan muuqaalkeedu uu sidii hore uu ku soo noqon karo.


Related Posts:
Wiil 17jir ah oo ka yaabiyey dowladda Jarmalka ayaa haatan xukuumada Jarmalka waxaya rumeysan tahay
Haweeney Dhalinyaro Ah Oo Muuqaalkeedu U Ekaaday 50jir Kadib Markii Ay Dawooyin Qaadatay