Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Health Health News Fitness & Exercise ibta naasaha dumarka iyo Xanuunadda ku dhaca

ibta naasaha dumarka iyo Xanuunadda ku dhaca

breast-pain

March 30th Cafimaadka \ Fitness & Exercise Muxuu yahay? Waa nooc ka mid ah cabeebka waana infakshan waxaana sababa khamiirka (Candida albicans). Si kasta ha ahaatee, badanaa waxba ma yeesho maqaarka caadiga ah. Badanaa infakshanku wuxuu ku dhacaa maqaar horayba u bukay. Wuxuuna badanaa ku dhacaa meelaha maqaarku mar walba qoyan yahay ama diiran yahay, sida meelaha maqaarku isku laabmo.

Wuxuu kula dhacaa ama la socdaa jira-maqaareedka (dermatitis) iyo eksimada maqaarka.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee naasnuujinta dumarku waxay ka timaada qoynta, iyo qalajinta iyo qoyaanka diirimaadka joogtada ah oo ka imanaya naas-siinta ilmaha, taas oo maqaarka ibtu ku qalalo. Taasi waxay isu bedeshaa eksima sahlan waxayna ku keentaa ibta naaska dildilaac iyo xannuun. Duruufaha noocan ah, cabeebku wuxuu markaas waxyeella eksimadii wuxuuna u eg yahay dhibca cadaana oo yaryar.

Waxaana markaas imaanaya xannuun.

Infakshanka uu keeno cabeebka noocaan ahi wuxuu badanaa dhacaa marka daawo loo qaato infakshana kale. Wuxuu kaloo dhici karaa marka infakshan kale ku jiro afka ilmaha.

Sidee looga hortagaa? Talaabada ugu muhiimsan oo lagaga horetegi karaa cabeebka noocaan ah oo ibta naaska ku dhaca waa in layska ilaaliyaa qalaylka eksimadu keento, xoqmida iyo dildilaaca ibta naaska. Waa in saabuunta laga fogaadaa marka la dhaqaayo maqaarka. Is marinta joogtada ah ee maqaar qooyaha sida boomatada gacanta ku baaba’da ama boomatada ka samaysan Paraffin, ama mid ka mid ah waxyaallaha lanolin oo cusub waa in la isticmaalaa haddii ibtu qalasho.

Isku day inaad bedesho midka naaska lagu daboolo si aan caanuhu ugu soo dusin raajabeetada hana qaadan mid ka samaysan balaastik.

U furida naaska hawada ayaa laga yaabaa inuu ka celiyo dildilaaca.

Sidee loo daweeyaa?

Ibta oo jiran eksimana yeellatay, caabuqna galay waxaa lagu dawayn karaa kareemka cortisone oo dhakhtar kuu qoray. Waxaa kaloo lala isticmaalayaa kareemka lidka noocyada cabeebka si loo daweeyo.

Waxaa laga yaabaa in naaska lagu dhaqo qadar yar oo ah kareemada aqueous ama sorbolene inta aan naaska la siin ilmaha. Intaan xaalladu ka sii darin, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan tahay inaad ilmaha ka joojiso nuujinta naaska dhibaataysan. Inta waqtigaan lagu jiro waa in naaska lagu lisaa qalabka loogu talagalay in lagu liso oo markaas ilmaha caana lagu siiyaa dhalada ama wax kale oo ku haboon.

Haddii cabeebka noocaan ahi dhaco inta la isticmaalayo daawada antibaayootikiska, waxaa jiri kara baahi loo qabo daawada antibaayotikis afka laga qaadanayo. Sidoo kale waa in la daweeyaa cabeeb kasta oo ilmuhu afka ku yeesho.

Marka cabeebka iyo eksimadu ay degaan, kareemka qooya jirka oo joogta loo isticmaalo ayaa suurta gelinaya in aanu soo noqon. Isticmaalida saabuunta waa in laga fogaadaa


Related Posts:
Aenean Vestibulum nibh quis Morbi porta tincidunt Ut pretium justo sed. Sem vitae Vestibulum et vi
Molestie congue et Vestibulum volutpat Nulla nec condimentum nec metus gravida. Tempus elit neque
Ornare odio senectus cursus vel dolor mauris elit libero et parturient. Hac sagittis eget felis Na
Lorem ut Nam hac Nulla purus iaculis eros sagittis nunc pellentesque. Vestibulum auctor pede Curab
ibta naasaha dumarka iyo Xanuunadda ku dhaca