March 31st Dunidda \ Europe Dawladda dalka Iswiidhen ayaa Taladadii go’aansatay in ciidamo gaareya 150 loo diri doono si ey uga qeyb qaataan ilaalada cirka ee dalka Liibiya, waana markii ugu horreeysey muddo konton sannadood ah ey ciidammada cirka ee dalka Iswiidhen gacan ka geeystaan carri ka baxsan dalkan. Maalinta jimcada ayaana la filayaa in baarlamanka dalku go’aan middaa ka gaaro. Waxaa la filaaya in algu tijaabiyo Diyaaradaha Casriga ee ay sameyso Dalkan Sweden Jas-Gripen
Siddeedda dayuuradood Jas-Gripen ee ka qeyb qaadan doona hoowlaha dalka Liibiya laga wado ayey hoowshoodu noqon doontaa oo keliya iney wax ka ilaaliyaan hawada dayuurradaha laga xayirey aaneyna gacan ka geeysan doonin hoowlo kale, sida uu sheegay madaxa dawladda ee dalka Iswiidhen Fredrik Reinfeldt.
- In laga qeeybqaato ilaalada hawada eyna cid kale masuuliyad ka noqoto hoowlaha kale ee la xiriira difaaca shacabka Liibiya ee ku cad go’aankii Qarammada Midoobey sida haddaba xaaladdu tahay, waa go’aan uu soo jeediyay xisbiga mucaaradka ee Sooshiyaaldimoqoraadigu








