Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Addunka World News Europe Munaasabada Arooska reer Boqor Prince William iyo Kate Middleton oo indhaha caalamka lagu hayo

Munaasabada Arooska reer Boqor Prince William iyo Kate Middleton oo indhaha caalamka lagu hayo

  • PDF
aroos-boqorka_ingiriska_11

April 29th Dunidda \ Europe Qaban qaabada arooska reer Boqor ee Prince William iyo gabadha la yiraahdo Kate Middleton ayaa indhaha caalamka soo jiitay, iyadoo munaasabadooda maanta ee meherka arooskooda ay ka qeyb galayaan kumanaan ruux oo lagu casuumay.

Ilaa 2000 oo marti-sharaf ah ayaa lagu casuumay inay ka soo qayb galaan arooska reer boqor, waxaya iskugu jiraan qoyska boqortooyada, qoyska reer Middleton, saaxiibada Kate iyo William, dad magac iyo sharaf ku leh dalkan Ingiriiska iyo debadda, iyo weliba madax ka kala socota ilaa 50 dal.

Dad iyaguna lagu qiyaasay ilaa 600,000 oo ka tirsan dadweyaha caadiga ah ayaa iskood iskaga kala yimid dalkan gudihiisa iyo dalalka kale ee reer Yurub iyo Maraykan, si ay goobjoog ugu noqdaan munaaabaddani.

Suxufiyiin lagu qiyaasay ilaa 8,000 oo ka kala tirsan saxaafadda kala duwan ee adduunka ayaa iyaguna ku soo qulqulayey maalmahan danbe magaalada London, una imanayey arooskan reer boqor. Waxase la sadaalinayaa in dadweyne gaadhaa iaa 2 bilyan oo qof oo adduunka ka tirsani ina ka daawan doonaan arooskani television-nada iyo warbaahinta adduunka.

Munaasabaddan waa tii ugu weyneyd ee nooceeda ahayd 30-kii sano ee uu danbeeyey dalkan Ingiriiska, markii Prince William aabbihii iyo hooyadii, Prince Charles iyo Lady Diana ay is guursadeen sanaddii 1981. Waxana sanadkaasi telifishannada adduunka ka daawanayey ilaa 750 milyan.

Prince William iyo Kate Middleton waxay isku doonanaayeen sannooyin badan, waxayna isku barteen jaamacaddii ay ku wada jireen. Munaasabadda arooskooduna waxay si rasmi ah u bilaabmaysaa saaka 800 subaxnnimo ee Jimcahan saacadda London, waxana merehrkooda rasmiga ahi uu ka dhacayaa kanisadda West minister Abby sacaaddu marka ay tahay 11:00 ka. Ka bacdina waxa loo gelbin doonaa qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace, halkaasi oo lagu qaban doono xafladda arooska.

Gelbiska waxa ka qaybgelaya cutubyada fardoleyda iyo ciidamada salaan-sharafta ee boqortooyada, iyo diyaaradaha ciidamada cirka ee dalkan Ingiriiska. Ilaa 5000 o ka tirsan ciidamada bileyska iyo nabadgelyada ayaa heegan laga dhigay, 1000 ka mid ah ciidamadaasina waxay tuban yihiin labada dhinac ee jidka la sii marinayo lammaanaha arooska ah marka la gelbinayo. Waxa kale oo la adeegsaayaa ilaa 50 eey oo ah kuwa wax uriya.

Jidadka gaar ahaan degaannada West Minister iyo Buckingham Palace ayaa iyagana laga xidhay baabuurta iyo gaadiidka kale.

Television-nada iyo idaacadaha caalamiga, waxay si toos ah u soo tebinayaan saaka oo Jimcaha oo dhan munaasabadaha arooskan qoyska reer boqor.


Related Posts:
Police on Saturday released a photograph of a German citizen they suspect to have deep connections w
Hogaamiyaha mucaaradka dalka Farnasiiska ee xisbiga hantiwadaga Francois Hollande ayaa ku guuleystey
Iyadoo loolan xoogan oo u dhaxeeya ninka Madaxweynaha ka ah dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo ni
Google's latest doodle, a giant zipper running down the centre of the search engine's homepage, mark
Shil Tariin ayaa caawa ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ka dib markii ay fooda is dare
Wasiirka dhaqanka Sweden  Lena Adelsohn Liljeroth ayaa loogu baaqay in ay xilka isaga degto ka
Munaasabada Arooska reer Boqor Prince William iyo Kate Middleton oo indhaha caalamka lagu hayo