March 8th Dunidda \ Europe Madaxweynihiin hore ee dalka Faransiiska Jacques Chirac ayaa lagu Haystaa in uu musuqmaasuq Sameyey xilligii uu ahaa duqa magaalada Paris sannadii 1996. Maxkamadda ayaa ku eedeysay Mr Jacques Chirac in uu u adeeegsaday hantida qaranka si uu u taageero ololihii doorashadiisii. Sidoo kale maxkamadda ayaa ku eedeysay Jacques Chirac in uu lacag ka qaatay siyaasiin uu u balan qaaday in uu u dhiibi doono jagooyin muhiim ah intii u dhexeysay 1995-1997.
Jacques Chirac oo 78 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee Reer Galbeed ah lagu eedeeyo musuqmaasuq kadib dagaalkii labaad ee adduunka.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in aysan jirin daliil ku filan dacwada kadhanka ah madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Jacques Chirac.
Xeerka Faransiiska ayaa dhigaya in qof ka soo qabtay xilka madaxweyninimada dalkaas aan la hor keeni Karin maxkamad, balse Jacques Chirac ayaa go’aansaday in uu hortago maxkamadda.
Mr Jacques Chirac ayaa lagu wadaa in uu muteesan doono 10 sano oo xarig ah, haddii lagu helo dacwada loo soo jeediyey.
Dhanka kale dadka u kuurgala siyaasadda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in xitaa hadii lagu helo dacwada kadhanka ah Jacques Chirac aysan suurtagal aheyn in xabsiga la dhigo madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Jacques Chirac Taas oo quunka ka soo jeeda Dalka Faransiiska uu yaal.
Isku soo wada duube Jacques Chirac ayaan la ogeyn waxaa uu muteysan doono Haddii lagu helo dacwadaiyo sidaa laga yeeli doono.
Axadle International Monitoring








