Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Addunka World News Europe Kulan xasaasi ayaa haatan Madaxtooyada uga socda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiyada Joogtada

Kulan xasaasi ayaa haatan Madaxtooyada uga socda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiyada Joogtada

  • PDF
shariif-xasan_bimy1

April 24th Dunidda \ Europe Kulan xasaasi ayaa xilligan waxaa uu Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uga socdaan xubno ka tirsan Gudiyada Joogtada, iyadoo kulanka uu yahay mid albaabada uu u xiran yahay, isla markaana looga hadlayo arrimaha marxalada dalka iyo warqadii Ra'iisul Wasaaraha khamiistii u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu kala tashanayo Xubnaha Gudiyada Joogtada Baarlamaanka arrinta ku saabsan kulan wada tashiga ee Xukuumada ugu yeertay Gudoonka Baarlamaanka, kaasoo haatan dhiilo xoog leh uu ka dhashay.

Kulanka ayaa la sheegayaa in Gudoonka Baarlamaanka ka soo saari doonaan war cad ah oo ay saxaafada uga warbixiyaan go'aanka ay ka qaateen kulanka ay soo jeediyeen Golaha Wasiirada ee loo saaray Gudiga heerka Wasiir ee uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Farmaajo in Gudoonka Baarlamaanka iyo Xubnaha Gudiyada Joogtada inay kala tashadaan sidii la isugu waafaqi lahaa waqtiga Dowladda KMG.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoonka Baarlamaanka uu aad uga carooday qaabka warqada ku xusneyd, iyadoo taasi saaka uu si kulul warbaahinta ugu jawaabay Xildhibaan Cumar Islow oo ah Xogheynta Baarlamaanka.

Cumar Islow ayaa sheegay in kulanka Golaha Wasiirada uu ahaa mid shirqool oo aan daacadi ku dheehneyn, isagoo xusay in Caalamka la doonayo in loo bandhigo in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diidan yahay kulanka wada tashiga, waxna lagu sii kala fogeeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa laga dhursugayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka uu shiriyo maalmaha soo socda, si uu ugu gudbiyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii wada tashiga Nairobi, kaasoo lagu go'aamiyay in muddo kordhinta Baarlamaanka laga dhigo labo sano.

Laakiin arrimo badan ayaa xilligan ay yihiin kuwo is dhinac socda, kaasoo siyaasada Dowladda uu sii cusleysiinayo, marka loo eego kala qeybsanaanta Baarlamaanka dhexdiisa iyo khilaafka adag ee Hey'adaha Dowladda xilligan ka dhex taagan.

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo wada Golihiisa Wasiirada is wataan ayaa isku mowqif ka ah arrinta khilaafka ee ku saleysan marxalada kala guurka ee Dowladda KMG, iyadoo Gudoonka iyo xubnaha jaalka la ah ay doonayaan in waqtiga Xukuumada uu ku eg yahay bisha Agosto, xilligaas Doorasho Madaxweyne la qabanayo.

Axadle International Monitoring


Related Posts:
Police on Saturday released a photograph of a German citizen they suspect to have deep connections w
Hogaamiyaha mucaaradka dalka Farnasiiska ee xisbiga hantiwadaga Francois Hollande ayaa ku guuleystey
Iyadoo loolan xoogan oo u dhaxeeya ninka Madaxweynaha ka ah dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo ni
Google's latest doodle, a giant zipper running down the centre of the search engine's homepage, mark
Shil Tariin ayaa caawa ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ka dib markii ay fooda is dare
Wasiirka dhaqanka Sweden  Lena Adelsohn Liljeroth ayaa loogu baaqay in ay xilka isaga degto ka
Kulan xasaasi ayaa haatan Madaxtooyada uga socda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiyada Joogtada