Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Addunka World News Europe Aqoonsiga Waydiin laga bilaabay Xaduuda denmark iyo sweden

Aqoonsiga Waydiin laga bilaabay Xaduuda denmark iyo sweden

  • PDF
oresund

March 31st Dunidda \ Europe Booliska Denmark ayaa bilaabay in ay aqoonsi ka dalbadaan dadka ku safraya buundada Öresund ee isku xirta magaalada Malmö iyo Kobenhegan. Arintaan ayaa qeylo dhaan siyaasadeed ka dhaliysay Denmark maadaama uu jiro heshiis ka dhexeeya Sweden iyo Denmark kaas oo dhigaya in aan aqoonsi looga baahneyn dadka u dhashay wadamadaas ee u kala gooshaya xuduuda.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in Booliska Denmark ay si gaar ah aqoonsiga uga dalbanayaan dadka u muuqda in ay yihiin ajanabi taasoo keentay in labo qof oo dhalashada Sweden haysata la qabtay oo loogu hanjabay ganaax.

Martin Lasson Berglund oo ah nin ay soo korsadeen reer Swedish ah haystana dhalasha Sweden ayaa ka mid ah dadka la waydiiyay aqoonsiga asagoo u sheegay wargeyska SydSvenskan “Markii hore waxaan dareemay bahdil, waayo way iska cadeyd in midabka jirkeyga dartiis ay ii waydiiyeen aqoonsiga balse kalsooni ayaan dareemay maadaama aan la socday heshiiska ka dhexeeya Sweden iyo Denmark”.

Arintaan ayaa dhibaato ku noqon karta Soomaalida ka soo gasha Sweden Denmark maadaama markii hore aysan jirin shuruud nuucaan ah.

Denmark  ayaa lagu eedeeyaa in ay tahay wadan sharciyeeyay cunsuriyada iyo kala qeybinta ummada, iyagoo Denmarka xitaa ay adkeysay guurka u dhexeeya dadka Danishka ah iyo soo galootiga


Related Posts:
Police on Saturday released a photograph of a German citizen they suspect to have deep connections w
Hogaamiyaha mucaaradka dalka Farnasiiska ee xisbiga hantiwadaga Francois Hollande ayaa ku guuleystey
Iyadoo loolan xoogan oo u dhaxeeya ninka Madaxweynaha ka ah dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo ni
Google's latest doodle, a giant zipper running down the centre of the search engine's homepage, mark
Shil Tariin ayaa caawa ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ka dib markii ay fooda is dare
Wasiirka dhaqanka Sweden  Lena Adelsohn Liljeroth ayaa loogu baaqay in ay xilka isaga degto ka
Aqoonsiga Waydiin laga bilaabay Xaduuda denmark iyo sweden