- ooyin badan
- ilmaha oo isku kaadintooda badan tahay tanoo ka soo kicineysa waqtiyo badan
- In ilmaha ay ku noolyihiin guri buuq badan
- In ilmaha markii ay jiftaan naqaska ku xirma ama khuuro ay keenaan
- in ilmaha ay hurdada ay ku qarwaan amaba ay ooyin iyo qaylo la soo kacaan
- in ilmaha uu jadwalka hurdada uu ka qaldanyahay goorkuu rabo iska jiifto gorkuu rabo iska soo kaco.
- in ilmaha ay gaajo qabato, oo ay la soo kacaan
- in ilmaha si lama filaan ah hurdo ula dhacaan ama dhib ay tahay in laga soo toosiyo
- in ilmuhu ilkaha ay isku xoqaan markay jiifaan amaba ay hurdo-socdaan
2- Mid mushkilo aysan keenin, oo badanaa iska baaba’da markuu ilmuhu gaaraan sanadka 1-aad taasoo u baahan in waalidka uu fahmo lana qabsado. (waxaadna ogaataa in ilmaha aysan isku hurdo ahayn)
April 14th Cafimaadka \ Diet and Fitness Maxaa xal u ah hurdo xumida?
Isku day inaad samayso wakhti mucayan ah oo seexasho marka ilmuhu gaaro ugu horayn ilaa lix usbuuc.
• Isku kalsoonoow naf ahaantaadu si aad u ogaato in ilmahaagu is-rog rogayo oo kaliya ama inuu dhibanyahay
• Hadii hurdada ay kaa qasto is-rog rogga iyo xasilooni la’aanta ilmahaaga, isku day inaad qof aamin ah oo qaraabo ama saaxiib ah uu kuu hayo ilmaha si aad u seexato
Caruur badan iyo dhalaan badan ayaa la kulma dhibaato hurdo la’aan ah mararka qaarkood. Waxaa muhiim ah inaad isku daydo inaad caruurtaada u samayso wakhti go’an oo ay caadaystaan inay seexdaan habeen walba. U diyaari meel dugsoon oo raaxa leh si ay u nafisaan. Caruurta oo wax loo akhriyo habeenkii markay seexanayaan waxay ilmahaaga ka caawinaysaa in caradu ka ba’do oo uu ku nafiso. Haddii ilmahaagu ka boqo madowga, isku day inaad layrka habeenkii u shido. Waxaa kaloo faa’iido ah, raaxana ah inaad ilmahaaga u dhigtid waxyaalaha lagu ciyaaro haddii uu habeenkii soo baraarugo. Haddii aad ka walaacsantahay in ilmahaaga dhibaato culus ka haysato inuu seexdo, ama uusan si joogto ah u seexan habeenkii oo dhan.





