December 12th Cayaaro Xiriirka kubbadda cagta Zambia ayaa dacwad ay kaga cabanayaan xaqiraad loo gaystay cayaaryahan Zambian ah u gudbiyay xiriirka kubbadda cagta adduunka (FIFA) iyo kan qaaradda Afrika ee CAF.
Xiriirka Zambia ayaa sheegay in la xaqiray Godfrey Chitalu oo xulka dalkaasi iyo kooxda Kabwe Warriors oo sanadkii 1972-kii dhaliyay 107 gool, isla markaana uu haysto heerka goolasha ugu badan ee hal sano gudaheed la dhaliyay.
Lionel Messi oo weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka Argentina ayaa toddobaadkan dhaliyay goolkiisii 86-aad ee uu dhaliyo sanadkan dhammaanaya ee 2012, kaas oo loo aqoonsaday inuu yahay heer cusub oo xagga goolasha ah, kaas oo ka sare maray heerkii Gerd Muller uu gaaray sanadkii 1972-kii, markaas oo uu dhaliyay 85 gool.
Afhayeen u hadlay xiriirka kubadda cagta ee Zambia ayaa sheegay in cayaaryahanka heerka gool-dhalinta caalamka ee sanad gudahiis haysta uu yahay Godfrey Chitalu, isla markaana xiriirka dalkaasi uu diiwaan-geliyay goolashiisa oo ah kuwo huban.
Wuxuu sheegay inay la yaabeen markii saxaafadda ay sheegtay in heerkii gool-dhalin uu Messi ka jabiyay Muller.
Chitalu oo kooxda Kabwe Warriors u cayaari jiray intii u dhaxeysay sanadihii 1970-kii ilaa 1980-kii ayaa noqday markii dambe macallinka kooxdaas iyo xulka qaranka Zambia.
Sanadkii 1993-kii ayuu ku geeriyooday shil-diyaaradeed oo ay galeen cayaartoyda xulka dalka Zambia oo uu macallin u ahaa xilligaas. Dhammaan cayaartoydii la socotay iyo guddoomiyihii xiriirka kubbadda cagta dalkaas Michael Mwape ayaa shilkaas sidoo kale ku geeriyooday.
Axadle International Monitoring-Ciyaaraha







