October 22nd Bulshadda Google oo wax ka badashay siday ula dhaqmi jirtay macaamiisheeda isticmaasha Alladda Farin Isweydaarsiga ee Afka Qalad Lagu yirahdo Gmail iyo Dabcan Qeeybta Kale ee Arraga iyo Maqalka Lagu soo bandhigo Youtube. Google oo Aqrin doonta Farimaha Laysku diro Si Bay tiri Xayeysiin Kusabsan Aan Qofka Ugu Raacin Karno.
Isbadalkan oo ay ka biya diideen Dalal badan oo Yurub ah. Google waxay bilaabi doonta in ay Fare Galin ku sameyso oo Ayba Aqriso Fariinta macaamisha Ay is waydaarsadaan iyada oo isticmaali doonta Barnaamji ay ugu talagashay oo u Sahlaya in Ay Aqriso Fariin Qoraleedka Macaamisheeda Isticmaasha Gmail si ay u ogaato wax ay saabsan yihiin Fariin Qoraaledka macaamiisha si loogu diro xayaysiis ku saabsan waxa ay ka hadlayaan Fariin Qoraleedkooda.
Arrinta Ayaa waxaay Xad gudub ku tahay Bulshadda Waxyabaha Qaaska uu ah,Taas oo meesha ka saarayso ilaalinta sirta dadka. Taasi waxay keentay in ay ka Xanaqaan Wadamada Yurub oo ka codsatay Google in ay sheegto wakhtiga ay ka noqonayso habkan cusub Ee Ay Doonayaan in Ay dhaqan Galiyaan.
Dad Daneeya ilaalinta nolosha Gaarka ahh ee qofka ayaa aad u cambaarayay oo ugu baaqay in ay Google dib uga noqoto arrintan. Laakiin Google oo Dhankeeda wada olale Ay ku Dareen siinayso dadka macaamiisha in ay ogolaadan isbadalkan ama iska xidhaan Fariin Qoraaledka Ay ku leeyahiin Gmail.
Sida uu sheegay wagayska The Guardian ee ka soo baxa Dalka ingriiska ayaa waxay Lagu Qoray in ay wadamada Yurub diyaarinayaan cuna qabtayin lagu soo rogi doono Google maalmo dhexdood Haddii Aysan Arrinkaas Ka Fiirsaan oo Aysan ka Noqon.
Axadle International Monitoring







