Axadle | Abaal marinta Nopel Peace Prize ee sanadka 2011 oo Saddex haween ku guuleysteen - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Wed06192013

Last update01:20:10 PM

Back Artist Artist News Art Abaal marinta Nopel Peace Prize ee sanadka 2011 oo Saddex haween ku guuleysteen

Abaal marinta Nopel Peace Prize ee sanadka 2011 oo Saddex haween ku guuleysteen

October 7th Art

Saddexdan haween ayaa labo kamid ah waxa ay ka soo jeedaan dalka Liberia waana madaxweynaha dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo Leymah Gbowee. sidoo kale waxaa ka mid ah haweenkan Tawakul Karman oo u dhalatay dalka Yemen.

Haweenkan ayaa loo aqoonsaday in ay halgan dheer u galeen sida ay haweenka ammaan u heli lahaayeen iyo xuquuqda ay haweenka u leeyihiin in ay ka qeybqaataan howlaha nabadda lagu soo celinayo.

Mrs Sirleaf ayaa ah haweeneydii ugu horeyse ee loo doorto inay madaxweeyne ka noqoto wadan Afrikaan ah. Ms Gbowee ayaa iyaduna ah gabar si weyn ugu dooda xuquuqda haweenka sidoo kale Ms Karman ayaa iyadu ka soo dhex muuqatay dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyad doonka ah ee dalka Yemen.

Guddoomiyaha guddiga Abaalmarinta Nobel Thorbjorn Jagland oo ku sugan magaalada Oslo ayaa sheegay in aan dimuquraadiyad rasmi ah dunida aysan gaari karin haddii aanay haweenka fursad la siin sidii loo horumarin lahaa mujtamaca.

 Mrs Karman ayaa maqashay in ay ku guuleysatay abaarlmarinta Nabadda iyadoo joogta magaalada Sanca gaar ahaa fagaaraha Isbedelka halkaa oo ay muddo dhowr bilood ah ay ku nooleyd teendho halkaa ku taal.

Waxayna Karman noqotay haweeneydii ugu horeysey oo wadamada carabta ka soo jeeda oo ku guuleysata abaalmarintan. waxaana lagu doortay sida ay ugu dhaqdhaqaaqday xuquuqda haweenka banaanbaxyadii isbedelka lagu doonayay ee ka dhacayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Guddiga Nobel ayaa waxaa sanadkan ay ka soo dhex xuleen saddexdaan haween illaa iyo 241 xubnood oo la rumeysnaa inay qeyb ka qaateen horumarinta nabadda caalamka iyadoo ay ka mid ahaayeen xubnahaas aasaasihii Facebook Mark Zuckerberg iyo Ururka Midowga Yurub

Sanadkii 2010ka ayaa waxaa abaalmarinta Nabadda ku guuleystey Liu Xiaobo oo ah qareen u dhaqdhaqaaqa nabada oo u dhashay dalka Shiinaha.halka uu sanadkii 2009kana uu ku guuleystey madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama

Abaal marinta Nopel Peace Prize ee sanadka 2011 oo Saddex haween ku guuleysteen

Related Posts:
Biggie Smalls was shot and killed 15 years ago today ... but the rapper's female protege Lil' Kim te
Ante quis et nunc iaculis ligula urna porttitor pellentesque ligula ac. Orci Proin vel parturien
Sed congue at magna nunc sociis gravida Donec elit accumsan nonummy. Lacinia mauris nunc malesua
Lorem Morbi Curabitur ac tincidunt Vestibulum elit Morbi tristique Aenean malesuada. Metus urna
Adipiscing et Cum habitasse molestie rhoncus Vivamus nibh auctor condimentum volutpat. Leo conse
Nec Sed laoreet elit condimentum mollis Aenean Curabitur tellus Curabitur consequat. Elit tempus