Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Addunka World News Africa Tirada dadka ku dhintay Dibadbaxyada Wadanka Masar oo sii kordhay

Tirada dadka ku dhintay Dibadbaxyada Wadanka Masar oo sii kordhay

  • PDF
Clashes-in-Tahrir-Square-006

November 21st Dunidda \ Africa Waxaa weli Dibadbax Xoogan uu ka soconaya Fagaaraha Taxriir ee Magaalada Qaahira ee wadanka Masar waxaana halkaasi iskugu soo baxay Kumaanaan Dad ah oo si weyn uga soo horjeeda Mmaamulka Meletriga ee Dalka gacanta ku haya Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Isku dhaca dhexmaraya Ciidamada MAsar iyo Dadka Dibaxyada dhigaya ayaa kordhiyay tirade Dadka ku dhintay Banaanbaxyada soconaya inta la ogyahay 13 qof ayaa ku dhimatay boqolaal kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray isku dhaca ciidamada amaanka iyo dibadbaxayaasha.

Goobaha caafimaadka ee wadanka Masar ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in dad ka badan 900 oo qof oo rayid ah ay soo gaareen dhaawacyo kuwaasi oo u badan shacabka dibadbaxyada dhigaya ee wadanka Masar dhinaca kale 40 qof oo ah ciidamada amaanka ee wadanka masar ayaa iyana waxaa soo gaaaray dhaawacyo kale.

kooxaha dibadbaxyada dhiga oo weli si aad ah ugu dibadbaxaya Magaalooyinka kala duwan ee Alexandria, Suez iyo Aswan ayaa waxaa ay ugu baaqayaan Maamulka Meleteriga in uu maamulka ku wareejiyaan shacabka iyaga oo ku eedeynaya in maamulka Ciidamada uu wax badan ka qaban wayay xaalada wadanka Masar.

Dibaxyadan ayaa waxaa ay imianayaa xilli golaha meleteriga ay wadeen qorshaha sida wadanka Masar looga sameyn lahaa doorashooyin xor ah oo ay dadka ku soo doortaan hogaankii dalka maaamuli lahaa

Dibaxdyada Kacdoonka watay oo sannadkan bilowgiisa ka bilowday qeybo ka mid ah wadama carbeed ayaa waxaa looga soo horjeeday dhaqaale xumo iyo Shaqo la;aa baahsan oo qabsataya qaar ka mid ah dadka rayida ah.


Related Posts:
In three months, the Transitional Federal Government is expected to end the transition in August 201
Al-Qaida leader Ayman al-Zawahiri has released a new video in which he encourages Somali militants t
Over 600 Somali troops on Thursday completed a six-month training exercise in the western Ugandan di
Eye Witnesses said on Thursday At least three Al shabab fighters lost their lives when a landmine bl
A BRITISH Muslim accused of planning Al Qaeda bomb attacks in Kenya appeared yesterday before a judg
Osama bin Laden didn't want to publicly recognize the Somali militant group al-Shabab as a part of a
Tirada dadka ku dhintay Dibadbaxyada Wadanka Masar oo sii kordhay